Rooble oo kolkii u horeeyey booqanaya Kidmaayo

Raysal wasaaraha Dalka Maxamed Rooble ayaa markii ugu horeeyey intuu Raysal wasaaraha ahaa wuxuu booqanayaa Jubbaland, iyadoo booqashadiisu ay qayb ka tahay Dardar galinta Arimaha Doorashada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la qorshaynayaa inuu Garoonka Diyaaradaha uu kusoo dhaweeyo, iyadoo maanta ay Wadajir u sugayaan Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee Amisom.

Inta uu Raysal wasaaruhu uu joogo Kismaayo wuxuu la kulmi doonaa Masuuliyiinta Jubbaland, Waxgaradka iyo Bulshada Jubbaland.

Arimaha miiska looga wadahadlo doono waxaa qayb ka ah Gobolka Gedo, oo Madaxweyne Axmed Madoobe uu doonayo wax ka badan intii la siiyay Heshiiskii u dambeeyay.

Puntlandi.com Kismaayo

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<