Muran ka taagan Shirka Wadatashiga Doorashada

Wararka ugu dambeeya ee laga helayo Teendhada uu ka socdo Shirka looga arinsanayo dardar galinta Arimaha Doorashada ayaa sheegaya in Wafuuda qaarkood ay doonayaan in wax laga badalo Qodobadii horay loogu heshiiyay maadaam Wakhtiga iyo Dhaqaalahuba aysan saamaxayn in Doorashadu ku qabsoonto walhtiga harsan.

Horshabeele waxay doonayaan in Deegaan Doorashada lagusoo koobo oo qura Hal Magaalo halka Heshiisyadii hore ay ahayd laba Magaalo.

Jubbaland ayaa iyana soo jeedisay in Ergooyinka laga dhigo tiro lamida tii Doorashadii hore oo ah 51 Ergo.

Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa diidan in la farfareeyo Heshiiskii horey loo wada gaaray, waxayna spp jeedoyeen i. Shirkaan looga hadlo oo qura waxyaabaha dhiman oo Jadwalka Doorashadu kamid tahay.

Madaxweynaha Hirshabele ayaa shalay Shirka hordhegay Codsi ah in Magaalada Jowhar oo qura lagu qabto Doorashada isagoo daliil ka dhigtay Amaanka Magaalada Jowhar, Cali Guudlaawe wuxuu sheegey in Xukuumadiisu aysan awoodin damaana qaadida Amaanka Ergooyinka Doorashada ka dhico doonta Gobolka Hiiraan.

Maanta ayaa dib la isugusoo laabanayaa waxayna u muuqataa in Aan dib loogu lanabanayn Heshiiskii hore balse loo gudbi doono dardar galinta waxyaabaha dhiman.

Puntlandi.com Muqdisho

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<