Shirkii Wadatashiga Qaran oo maanta furmaya iyo Cali Guudlaawe oo Zoom-ka uga qaybgalay

Maanta waxaa Muqdisho ka furmaya Shirka Wadatashiga Qaran oo looga wada xaajoonayo Arimaha Doorashada, Madaxweynaha Hirshabelle oo iminka jooga Turkiga, Kana caraysnaa Kulanka ayaa uga qaybgalaya khadka Telefoonka la iska Arko Zoom-ka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa lagu sheegey in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu Aqbalay inuu Shirka ka qayb galo isagoo ku sugan Dalka Turkiga.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa maalmahaanba ka biya diidanaa kulanka, Waana sababta keentay in kulanku uusan shalay furmin,

Qoraal been abuur ah oo maalmahaan la wareejinayay ayaa lagu sheegey in Cali Guudlaawe uu sheegey inaan lagu wargalin Qabsoomida Shirka, Laakiin Xaqiiqda keentay inuu ka Biyo diido Shirka ayaa ahayd inuu dalbadey in Shirka dib loogu dhigo inta uu Dalka kusoo laabanayo, waxaa iyana jira qodob ka mida Heshiiskii Doorashada oo Cali Guudlaawe uu doonayo in wax laga badalo kasoo ahaa Deegaan Doorashada, oo uu doonayo in Jowhar oo qura ay ka dhacdo Doorashada Xildhibaanada.

Kulanka maanta furmaya waxaa goob joog ah Madaxda Dalka, Raysal wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Galmudug. Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, Hirshabelle wuxuu uga qaybgalaysa Aalada Zoom-ka.

Puntlandi.com Muqdisho

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<