Shirkii dhamaystirka Arimaha Doorashada oo furmay

Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay Shirkii Wadatashiga iyo Dhamaystirka Arimaha Doorashada kasoo ay ka qaybgalayaan Raysal wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug,Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Madaxweynaha Hirshabelle oo khadka Zoom uga qaybgalaya.

Kulanka waxaa si rasmiya loogu dhamaystiraya Arimaha Doorashada waxaana la filayaa in lagu go’aamiyaan taariikhda rasmiga ah ee u dambeysa soo gudbinta Xildhibaanada.

Mdaxweynaha Hirshabelle oo horay uga caroodey wargalin la’aan iyo wadatashi la’aan uu kala kulmay qabanqaabadii Shirkaan, ayaa la qanciyey wuxuuna kulanka uga qaybgalaysa Aalada Zoom-ka.

Puntlandi.com Muqdisho

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<