Ciidamada Puntland oo ka qaybqaatay Dagaalkii Wisil

Dagaalkii saaka waabarigii ka dhacay Deegaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa waxaa ka qayb qaatay ku dhowaad 100 Askari oo Ciidamada Puntland ah.

Al-dhabaab ayaa tan iyo bishii hore waxay kusoo fidayeen Koonfurta Gobolka Mudug tasoo dhalisay in Puntland iyo Galmudug ay Iskaashi ka sameeyaan Difaaca, Puntlanf waxay horay u shaaciyeen iney Galmudug u dirayaan 490 Askari.

Deegaanka Wisil oo Koonfur Bari uga Bergman Gaalkacyo una jirta qiyaastii 80 kn ayaa waxaa la wareegay Al-shabaab, Xalay ayaa Ciidamada Galmudug oo kaashanaya Ciidamada Puntland waxay weerar gaadmo ah ay ku qaadeen Wisil halkasoo ay guulo waaweynnka gaareen.

Gaalkacyo waxaa la keenay ku dhowaad 23 ka tirsan Maleeshiyaadka Al-dhabaab oo Dagaalka lagusoo qabtay.

Dowlada Puntland wali kama aysan Hadal Ciidamadeeda ka qayb qaatay Dagaalka balse Xogta ay Puntlandi.com ay hayaan waxaa Dagaalka Wisil ka qayb qaatay kudhowaad 100 Askari oo wata Tikniko iyo hubka fudud.

Khasaaraha gaaray Ciidamada lama dhaacin waxaase. La shaaciyey in jab xoogan loo geystay Argagixisada.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<