18kii dhiigcab oo saaka la toogtay

Magaalada Gaalkacyo waxaa saaka lagu toogtay 18 Qof oo ka tirsanaa Argagixisada, Munaasabada Lagutoogtanayay Maxaabiista waxaa goobjoog ahaa Masuuliyiin ka socda Dowlada iyo Gobolka Mudug.

Xubnahaan ka tirsan Al-shabaab ee ay Dowlada Puntland ay maanta toogatay ayaa Maxkamada Ciidamadu waxay horay ugu xukuntay Dil toogasho ah.

Raga la toogtay waxay isugu jireen Higaamiyaayaal ka tirsan Al-shanaad iyo Malershiyo Dadka khaarajin jiray.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa horay u balan qaaday in Cadaalada lala bergsanayo Dambiilayaashaan isla markaasna ay wajihi doonaan ciqaabta ugu adag.

3Qof oo kale ayaa iyana lala toogtay Maxaabiistaan kuwasoo dambiyo kale loo haystay.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<