Madaxweyne Deni oo Muqdisho ku wajahan iyo Kulan Zoom ah oo Xalay dhacay

Golaha wadashiga Qaran ayaa Xalay khadka Zoomka uga wadahadlay Arimaha Doorashada iyo halka ay marayaan iyo xiliga ay Doorashadu bilaabanayso.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Daciid Cabdullaahi Deni, Raysal wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha kale ee Dowlad Goboleedyada ayaa Xalay kuwada hadlay Khadka Zoomka, kulankaasoo ay kasoo baxeen in Di toosa ay uwada kulmaan Muqdisho si loo dhamaystiro Shaqada Doorashada.

Todobaadkaan dhamaadkiisa ayaa ka filayaa in Madaxweyne Deni uu Muqdisho u duulo, sidoo kale Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isna Muqdisho soo gaari doona, Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa isna la sigayaa inuu Muqdisho soo gaaro.

Sida aan xogta ku hayno waxaa muran ka taagan yahay Arimaha Gobolka Gedo, kulankaan waxaa diirada lagu saarayaa sidii loo dhamaystiri lahaa Gudiyada Doorashada khaasatan Gudiga Gobolka gedo.

Puntlandi.com Garowe

<