Raysal wasaare Rooble oo soo bandhigay Qorshaha Doorashada, Xili muran hoose uu jiro

Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa soo bandhigay Qorshaha Doorashada oo ka kooban bogog badan xili ay Mucaaradku saluugsan yihiin qaar kamida Gudiyada la magacaabay iyo qaabka loosoo xulay.

Ciidamada Amisom ayaa qayb ka qaadanaya Sugida Amniga Koonfurta Soomaaliya halka Xubno ka socda Bersha Caalamku ayniyana qayb ka noqonayaan Talabixinta Arimaha Doorashada.

Xafiiska Raysal wasaaraha ayaa lasiiyay Masuuliyada ugu saraysa ee Doorashada, halka Maamul Goboleedyada Booliskoodu ay iyana qaybbka noqon doonaan sugida Amniga Doorashada.

9 Xubnood oo Gudi ah ayaa iyana lasiiyay Awooda ugu saraysa ee Arimaha Doorashada, Sida aan xogta ku helayno muran ayaa wali ka taagan qaar kamida Gudiyada ay Xukuumada Dhexe soo magacawday.

Macada kaalinta ay Xafiiska Madaxweynuhu ku yeelan doonaan Arimaha Doorashada walow oo aysanba ka muuqan Qariirada Doorashada .

Qariirada Doorashada waxaa lagu muujiyay Goobaha ay Argagixisadu ka taliso Koonfurta Dalka, mana cada sababta loo magacaabay Al-shabaab iyo Daacish.

Hoos ka eeg qariirada

<