Taiwan oo Soomaaliland ugu deeqday Qalab Doorasho oo Malaayiin Dollara ah

Taiwan oo saaxiib dhow la ah Maamulka Soomaaliland ayaa waxay ka caawinaysaa Doorashada si loo xaqiijiyo in Dadku aysan khiyaamay. codbixinta.

2500 oo xabo oo ah Qalabka lagu xaqiijiyo Codbixinta codbixinta saxda ah ee looyaqaan “Biometrics Voter Verification System” ayaa Taiwan ay ku wareejiyeen Soomaaliland, Qalabkaan ayaa loo qaybiyey Goobaha Codbixinta ee Guud ahaan Soomaaliland.

Xafiiska Taiwan ee Hargaysa ayaa shaaca ka qaadey in Taiwan ayaa Soomaaliland ka caawinayso Doorashada. Iyagoo intaas raaciyey in Ay soo wadaan Qalab kale oo sahlaya in Si fudud loo tiriyo Cododka.

Taiwan iyo Soomaaliland ayaa xiriirkoodu sii xoogeystay Bilowgii sanadkaan, Xiriirkasoo dhowr jeer ay ka digeen Xukuumada Bakiin.

Puntlandi.com Hargeysa

Sawirkaan hoose waa Qalabka Taiwan ay ugu deeqday Soomaaliland

<