Mudharixiinta oo dalbadey Xubnaha laga saarayo Gudiga Doorashada

Musharixiinta ayaa Xafiiska Raysal wasaaraha u Gudbiyay liiska Magacyada ugu yaraan 5 Xubnood oo ay doonayaan in laga saaro Gudiga Doorashada, Xubnahaan ayaa lafdhabar u ahaa murankii hortaagnaa Doorashada Xiligii uu Madaxweyne Farmaajo uu garwadeenka ka ahaa Shirarka Doorashada.

Kulan ka dhacay Hotel Jazeera ayaa Musharixiintu kusoo bandhigeen Xubnaha laga saarayo Gudiga Doorashada xubnahaasloo ay Musharixiintu u arkaan inaysan dhexdhexaad noqon karin.

Waxaa laga cabsi qabaa in Xafiiska Madaxweynuhu uu faragalin kusoo sameeyo ayna hor istaagaan in Xubnahaan laga saaro Gudiga Doorashada.

Heshiiskii Khamiistii la soo dhaafay ayaa waxaa qayb ka ahaa in Gudiga Doorashada laga saaro Xubnaha lagu muran santahay.

Puntlandi.com Muqdisho

<