Soomaaliland oo ka carootay Liiska Jaamacadaha Soomaaliya

Soomaaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay sheegato Jaamacadaha Soomaaliland, Liis ay soo saartay Wasaarada Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa waxaa ku jira Jaamacada ku yaal Soomaaliland.

Wasaarada ayaa Liiskaan ku tilmaantay Liiska Jaamacadaha ay Dowlada Federaalku aqoonsantahay.

Wasaarada Tacliinta Sare ee Soomaaliland waxay Liiskaan ku tilmaameen Sheegasho Jaamacado ku yaala Wadamo kale oo ay Muqdisho Sheeganayso.

Soomaaliland oo iyagu isu haysta inay yihiin Wadan Madaxbanaan ayaa badanaa ka carooda Kolka ay Dowlada Federaalka Soomaaliya ula maacaamilaan Soomaaliland si lamia Maamulada kale ee Dalka .

Puntlandi.com Muqdisho

<