Shirkii maanta oo kusoo idlaadey sidii loo qorsheeyey

Shirkii Arimaha Foorashada ee Maanta ayaa dib loo balamay beri oo isniin ah iyadoo la sheegay in ajandayaashii maanta looga dooday si wanaagsan.

Qodobada maanta laga wadahadlay waxaa kamid ahaa Hirshabeele oo muran ka taagan yahay Gobolka Hiiraan, waxaa kaloo laga wada hadlay Arimaha Ergada Soomaaliland io iyana wali muran ka taagan yahay.

Qodobka Deegaanada Doorashadu ka dhacayso ayaa wali la isku hayaa in Hal Magaalo laga dhigo iyo Laba Magaalo loo daayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu ku adkaysanayaa in Deegaan Doorashadu ay noqoto hal Magaalo.

Puntlandi.com Muqdisho

<