Cali Maxamed Geedi “ Hadii Shirka ay ka qaybgalaan Xasan iyo Shariif Ana kursigaygaan soo qaadan

Raysal wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegey in Shirka Wadatashiga hadii loo ogolaado inay kasoo qaybgalaan Madaxweynayaashii hore Uu isna kasoo qaybgalayo.

Raysal wasaare Geedi oo kamid ah Siyaasiyiinta farakutirska ah ee hada taageersan Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaan ku dhawaaqay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed ay kasoo qaybgalayaan Shirka Wadatashiga Doorashada isla markaasna ay khudbad ka jeedin doonaan.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa geed dheer u fuulay in labadaan Madaxweyne hore, maadaama ay Musharixiin yihiin ay muhiim tahay in la dhagaysto oo ay Shirka yimaadaan bilowgiisa iyo dhamaadkiisa.

Xukuumada Madaxweyne Farmaajo ayaa siyaasadeedka ay kula dagaalamayso Mucaaradka waxaa kamid ahaa in Siyaasiyiin ay kamid yihiin Cali Maxamed Geedi, Salaad Cali Jeele iyo Siyaasiyiin kale ay u ‘adeegsadaan la dagaalanka Siyaasiyiinta la Beesha ah., hadalka hada kasoo yeeray Raysal wasaare Geedi ayaa loo fasirtay qayb kamid ah Siyaasada Xukuumada Farmaajo.

Puntlandi.com Muqdisho

<