Madaxweyne Farmaajo “Waxaan ku laabanayaa Teendhadii Afisyooni

Madaxweynaha Walhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahaan la kulmay Cadaadis hubaysan iyo Caaddaadis afka ah oo iga imaanayay Beesha Caalamka ayaa caawa ku dhawaaqay inuu dib ugu laabanayo Teendhadii Afisyooni.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay inuu Sabtida hortagi doono Baarlamaanka uuna u sheegi doono inuu dib ugu laabanayo Miiska wadahadalka iyo hirgalinta Heshiiskii 17 Sebtembar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa caawa khudbad jeediyay kadib markii Raysal wasaarihiisa iyo Maamuladii taabacsanaa ay ku dhawaaqeen inay ka horbyimaadeen Mudo kordhinta.

Puntlandi.com Muqdisho

<