Xoghayaha Guud ee QM oo ku baaqay in Degdeg loo joojiyo Rabshadaha Muqdisho

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku celceliyey sida uu uga walwalsan yahay Xaalada kasoo saraysa ee Magaalada Muqdisho, wuxuuna baaq u diray Saamilayda Soyaasada Soomaaliya.

Antonio Guterres Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in Aysan Macquul ahan in Dagaal lagu xaliyo Khilaafka Siyaasadeed ee ka jira Dalka, isagoo raaciyey in Saamilayda Soyaasada ay kusoo laabtaan miiska wadahadalka.

Qaramada Midoobay iyo Guud ahaan Saaxibada Caalamka ee daneeya Soomaaliya waxay ka digeen hurinayaan Colaad iyo Dagaal, waxayna hoosta ka xariiqeen in lala xisaabtamayo cid walba oo ka dambeysa Khalkhal galinta Dalka.

Ingiriiska, Jarmalka, Sweden, Talyaaniga, Jabuuti, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika dhamaantood waxay si cad ugasoo horjeedaan Mido kordhinta ay Xukuumadu samaysatay iyo Rabshadaha hubaysan ee loo adeegsanayo Ciidamada, waxayna ku baaqeen in dib loogu soo laabto wadadii hrshiiska 17 sebtembar.

Puntlandi.com Muqdisho

<