Madaxweyne Xasan Sheikh “Ciidanka Farmaajo ayaa isoo weeraray”

Madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud ayaa cadeeyay in Maanta lasoo weeraray ho’yga uu ka degan yahay Degmada Cabdicasiis, Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayuu sidaas ku sheegey, wuxuuna yiri sidaan.

  • Waxa nasiib darro weyn ah in ciidan ka amar qaata madaxweynihii hore ay weerar ku soo qaadaan hoygeyga. Waxaan horay ugu digay kuna celinayaa khattarta ay leedahay siyaasadeynta ammaanka. Mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata arrinkan waxaa qaadaya Farmaajo.

Galabta ayaa Dagaal ka dhacay Degmada Cabdicasiis, waxaana lagusoo waramayaa in Degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis ay la wareegeen Ciidamo horay u shaaciyey inay kasoo horjeedaan Mudo kordhinta ay samaysteen Baarlamaanka qaarkiis iyo Madaxweyne Farmaajo.

Puntlandi.com Muqdisho

<