Breaking News— Puntland oo Cambaaraysay weerarka lagu qaadey Guriga Xasan Sheikh

Dowlada Puntland ayaa Cambaaraysay weerarka lagu qaadey Guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheikh, Sida Puntlandi.com ay kasoo xigteen Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

“ Waa wax aan la aqbali karin weerarka lagu qaadey Guriga Madaxweynihii hore Xasan Sheikh, Puntland waxay ku baaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo falalka noocaas ah, Inta goori goor tahayna waa in laga waantoobaa habdhaqankaas oo Puntland ay marar badan ka digtay”. Ayuu yiri Sargaal ka tirsan Madaxtooyada.

Goor dhow ayay Puntland soo saaraysaa Qoraal rasmi ah oo lagu cambaaraynayo Weerarka lagu qaadey Madaxweyne Xasan Sheikh.

Puntlandi.com Muqdisho

<