Breaking News— Ciidamadii kasoo horjeeday mudo kordhinta oo qabsadey Xaafado

Dagaalkii Galabta ka dhacay Xaafada Cabdicasiis ayaa looga awood roodaanay Ciidamadii Taabacsanaa Madaxweyne Farmaajo tasoo sababtay in Magaalada qaybo kamida ay la wareegaan Maleeshiyaad hubaysan iyo Ciidamo gadoodsan oo sheegtay inay kasoo horjeedaan Mudo kordhinta ay Xukuumadu samaysatay.

Dagaalka ayaa wuxuu Galabta ka kacay kadib markii Ciidamo isugu jira dharcad iyo kuwo labisan ay ka hortageen Ciidamo gadoodsan oo ka yimid Gobolka Shabeelaha hoose, waxaana halkaas ka dhacay Dagaal mudo kooban socday.

Ciidamada Gadoodsan ayaa hada la wareegay goobohii lagu dagaalamay, Iyagoo u muuqda inay isku balaarinayaan Magaalada, Degmada Kaaraan waxaa ka socda Mudaharaad lagu taageerayo Ciidamada Magaalada soo galay.

Mucaaradka iyo Xukuumada midna kama hadlin Dagaalka ka dhacay Magaalada, ilaa hadana la shaacin khasaaraha ka dhashay Dagaal.

Wariye Madaxbanaan oo la shaqaynaya Puntlandi.com ayaa hada gaaray Goobaha ay Ciidamada Gadoodsan la wareegeen, mana jiraan wax khasaare nafeed ah oo uu ilaa hada arkay.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Muqdisho

<