Beesha Caalamka oo Midowga Afrika weheliyaan ayaa ka shiraya Arimaha Soomaaliya

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa lagu wadaa iney shir ku yeeshaan Magaalada Miqdisho si ay uga Arinsadaan Isbadaladii ugu dambeeyay iyo Dadaalada ay wadaan Reer Galbeedka, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Kulanka oo aad xasaasi u ah Waxaa kasoo qaybgalaya EU, Maraykanka , Ingiriiska, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, Sida ay Puntlandi.com ay xogta ku hayaan Waxaa kulanka looga arinsanayaa qaabka loo hirgalinayo Baaqii Golaha Amniga ee u dambeeyay iyo sida Midowga Afrika gacan looga siinayo Howlaha loo xilsaaray.

Kulanka Waxaa kaloo looga hadlayaa Amaanka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Waliba Xaalada Guud ee Magaalada Muqdisho oo maalmihii u dambeysay ay isbadaleen Gacan ku heynta magaalada.

Qaramada Midoobay, Ingiriiska iyo Sweden ayaa soo qaban qaybiyey kulankaan,

Puntlandi.com Muqdisho

<