Madaxweyne Farmaajo wuxuu u gacan galay Uhuru iyo I.C. Geele

Saansaanta muuqata Waxay u muuqataa in Dalka loo celinayo Kumeel gaarnimadii, Madaxweyne Farmaajo isagoo isla lahaa hakaa dego culaysyada Beesha Caalamka ayuu aaday Congo, wuxuuna Midowga Afrika waydiistay Inay ka caawiyaan in uu la hadlo Mucaaradka, Laakiin Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey waxaa ku dhacay KUD KA GUUR OO QANJE U GUUR,

Midowga Afrika waxay Beesha Caalamka ka codsadeen in Utur Goboleedka IGAD la siiyo Mandate ay dhankooda ka Odoyeeyaan Khilaafka Soomaaliya, tasoo Caalamku aadbu soo dhaweeyey.

Maxay Beesha Caalamku usoo dhaweeyeen in IGAD lagu wareejiyo u kala dabqaadidi Soomaalida.

Sida muuqata Beesha Caalamku waxay khaati ka istaageen Madaxweyne Farmaajo oo ay ku macneeyeen inuu yahay Nin Madax Adag, Beesha Caalamku way la socdern heerka uu gaarsiisan yahay Xiriirka Villa Soomaaliya iyo IGAD sidaas awgeed waxay halkaas ka arkeen in IGAD ay Ciqaab ku noqonayso Madaxweyne Farmaajo. Waayo Madaxweyne Farmaajo horay ayuu IGAD u eedeeyey, Uhuru Kenyata iyo Isagana Xiriirkoodu wuxuu marayaa meeshii ugu xumayd, si taas lamida Xiriirka Ismaciil Cumar Geedaha Jabuuti iyo Farmaajo isna ma wanaagsana, Labadaan Nin waa Raga Daaha gadaashiisa fadhiya Urur Goboleedka IGAD.

Madaxweyneheena Wakhtigiisu dhamaadey waxuu islaahaa booska ka saar Beesha Caalamka laakiin wuxuu u gacan galay IGAD (Geele iyo Uhuru).

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey waxay di buuxda u taageereen in IGAD hogaamiso Wadahadalada Siyaasada Soomaaliya iyagoo hoosta ka xariiqay in la iska ilaawo wakhti kororsi iyo Doorasho dib loodhigo.

Puntlandi.com Garowe

<