Garowe-Sawiro.. Madaxweyne Deni oo Kulan wadatashi ah la yeeshay Bulshada qaybaheeda

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa Caawa oo Sabti soo galayso wuxuu la yeeshay Siyaasiyiinta, Odoyaasha Dhaqanka, Haweenka, Culumada iyo Bulshada Rayidka, kulankaasoo ku saabsanaa Guuldaradii ay Xukuumada Dhexe ku guul daraysatay inay Dalka Doorasho ka dhacdo iyo Amaanka Caasimada Soomaaliya.

Ka qaybgalayaasha kulanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Xaalada Siyaasadeed ee Dalka, waxayna dhamaantood ka sinaayeen in Xukuumada Puntland ay kasoo Baxdey kaalintii uga aadanayd Maaraynta Khilaafka Siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaa si gaara loo soo dhaweeyey in Madaxweyne Deni uu kaalin muuqata ka qaatay Iskudaygii Xalinta Khilaafka Doorashada.

Waxyaabaha ay ka qaybgalayaashu iskumidka ka ahaayeen waxaa kamid ahaa in aan la aqbali karin in Xukuumada Farmaajo ay fara marooqsato Talada Dalka.

Hoos ka daawo Sawirada

<