Xurguftii Xalay ee Shiirkole Ma waan waan Bay ku dhamaatay mise waa la isu awood sheegtay

Taliyahii Ciidamada Bileyska Gobolka Banaadir ee Xukuumada Farmaajo Xilka ka xayuubiyeen balse isagu wali sheeganaya inuu yahay Taliyaha Sharciga ah Saadiq John wuxuu Xalay dabada gashaday Xaafada Shirkole oo Reerkiisu ku awood badan yihiin.

Xukuumada Federaalka ee Wakhtiga kororsatay ayaa Ciidan dul dhigtay Xalay fiidkii Waxayna xireen Wadada gasha Shirkole, Mudo gaaban ka dib Ciidankii Dowladu Way isaga baxeen Waxayna ku laabteen Xeryohoodii.

Waxaa soo baxay saaka in Waan waan uu hormuud ka ahaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor lagu kala qaaday Ciidamadii is horfadhoyay.

Laakiin Dhinaca Saadiq Joon Way beeniyeen in waan waan lagu kala tagay, waxayna ku tilmaameen In Villa Soomaaliya oo qarinaysa awood yarida Ciidamadooda ay Been abuurkaas sameeyeen, dhinaca Saadiq Joon waxay hoosta ka xariiqeen in wax waan waan ah aysan dhicin, Ciidamadii Farmaajo uu keenay Shirkole waxay arkeen Awooda Ciidamada taabacsan Janaraal Saadiq, tasaa keentay inay naftooda la caraysan.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa isna shaaciyey saaka in waanwaanta la sheegay aysan jirin.

Puntlandi.com Muqdisho

<