CC “ Soomaaliya Dowlad kama jirto, Farmaajo waa Hogaamiye kooxeed”

Abdirahmaan AbdiShakuur Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. Photo Wadajir party

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shir jaraa’id qabtay ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladnimadii Soomaaliya ay dhamaatay, Madaxweyna Xilkiisu dhamaadeyna Farmaajo uu yahay Hogaamiye kooxeed qabiil lagu taageerayo.

CC wuxuu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu soo afjaray Dowladnimadii, uuna isu badalay Hogaamiye kooxeed, wuxuu kaloo intaa raaciyey in Reer Muqdisho ay yaqaanaan qaabka la isaga hor wareejiyo Hogaamiye kooxeedka.

Hadalka kulul ee kasoo Yeeray Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu bilow u yahay Jawaabaha laga bixinayo Mudo kororsiga uu samaystay Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Abdirahmaan AbdiShakuur Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir. Photo Wadajir party
<