Dhalinyarada Kasoo jeeda Puntland oo isagasoo baxay Ciidamada Farmaajo Daacada u ah

Tan iyo Shalay markay Xukuumada Farmaajo korordadeen Wakhti xiloodkoodii dhamaadey waxaa bilowdey Taliyayaal Ciidan oo isaga baxayay Ciidamada sida Gaarka ah uga Amar qaata Villa Soomaaliya.

Dhalinyaro Kasoo jeeda Deegaanada Puntland oo Gaalkacyo lagusoo dhaweeyey ayaa cadeeyay in Ciidamada Ka amarqaata Villa Soomaaliya ay yihiin Ciidan ujeed gaara laga leeyahay, ee aysan ahayn Ciidan loosoo tababaray inay la dagaalamaan Al-dhabaab.

Qaar ka mida Dhalinyarada waxay Puntlandi.com u sheegeen in marar badan loo akhriyay in Puntland iyo Mudharixiinta Madaxweynaha ay yihiin Cadowga Kowaad ee Doomaaliya ayna u adeegaan Dhisheeye, waxay kaloo sheegeen in aysan marna dhagohoodu maqal Cadowga Al-dhabaab.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<