Wasiirka Amniga Galmudug oo soo dhaweeyey talaabada uu qaaday Saadiq Joon

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa soo dhaweeyey talaabadii uu saaka qaaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadiq Joon.

Taliye Joon ayaa saaka wuxuu qabtay Shir jaraa’id oo uu ku hor istaagay kulankii Baarlamaanka, wuxuu kaloo Taliyuhu kala diray Baarlamaankii oo uu u sheegey iney shaqadoodii 4 sano ahayd Dhamaatay.

Saadiq Joon wuxuu kaloo baaq u diray Raysal wasaaraha oo uu kula taliyey inuu Awooda Dalka la wareegi.

Wasiirka Ambiga Galmudug oo isla markaasna ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Axmed Macalin Fiqi wuxuu yiri Sidaan hoose

Sawirka hoostiisa ka Akhriso Fiqi oo bogaadoyey Taliye Saadiq Joon

<