War Deg Deg —Saadiq Joon oo Xilkii laga qaadey

Taliyaha Ciidamada Booliska ayaa Xilkii ka xayuubiyay Saadka Joon Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ka dib markii uu saaka bixiyey Amar lagu xirayo Baarlamaanka DF.

Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole) Oo isla maanta Loo dalacsiiyay Gaashaanle ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

Xilka qaadista Saadiq Joon waxay kusoo aadaysaa Xili cadaadis Xoogan la saaray Madaxda Federaalka oomaalmahaan ka caga jiidaya ka qaybgalka Shirka Wadatashiga Doorashada.

Puntlandi.com Muqdisho

<