Breaking News— Ciidamada Booliska ee Villa Hargeysa oo ka horyimid Xilka Qaadista Saadiq Joon

Ciidamada Booliska ee ku sugan Villa Hargeysa ayaa gadoodsan waxayna diideen iney hubka wareejiyaan kadib markii ay kasoo horjeesteen. Xilka qaadista lagu sameeyay Taliyohoodii Saadiq Joon.

Ciidama Gaarka ah ee ilaalinaya Madaxtooyada ayaa amray in Booliskaan hubkadigis lagu sameeyo, waxaana hada is hor fadhiya labadaan Ciidan.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadiq Joon ayaa goor dhaweyd Xilka laga qaadey kadib markuu is hortaagay kulankii Baarlamaanku maanta yeelan lahaayeen uuna ku hadlay hadalo ka xanaajiyay Villa Soomaaliya.

Taliye Saadiq Joon waxaa hadaladiisa kamid ahaa in Baarlamaanka Xilkiisu dhamaadey, aysana qaban karin Shirarar wax u dhimaya Amaanta .

Puntlandi.com

<