Qarax ka dhacay Baydhabo oo lala beegsadey Gudoomiyaha Gobolka Bay

Magaalada Baydhabo ayaa Maqaaxi lagu shaaheeyo uu Qof Naftii haliga ah isku dhex qarxiyay Xili uu ku suganaa Gudoomiyaha Gobolka Bay Cali Wardheere Timajare u dhow goobta la weeraray walow Gudoomiyuhu ka badbaadey Qaraxa hadana Dad ay kamid yihiin Ilaaladiisa ayaa ku geeriyooday.

Tirada rasmiga ah ee Khasaaraha lama shaacin wali, waxaase jira Dhaawac iyo Dhimasho.

Laamaha Amaanka ee Koonfur Galbeed ayaa durba soo gaaray goobta waxayna wadaan Baaritaan ku aadan khasaaraha ka dhashay Qaraxa.

Qof ka agdhow weerarka wuxuu Puntlandi.com u sheegay in Loo badinayo inuu Qaraxa Fuliyay Qof isqarxiyay,

Gudoomiyaha Gobolka Bay ayaa goobta ku sugnaa waxaana la qiyaasayaa ilaa hada in Qaraxa isaga lala damacsanaa.

Puntlandi.com

<