Maamulka Farmaajo oo wali ku adkaysanaya in Shir uusan jirin, iyo Beesha Caalamka oo khasbaysa

Kadib markii Todobaadkii hore uu Madaxweyne Farmaajo ka baxsadey Teendhadii uu ka socdey Shirka loogu gogol xaarayo Doorashada ayaa Beesha Caalamku ay si kulul ula hadleen Madaxda Federaalka iyo Maamulada taabacsan, waaxaana la faray iney Sharuud la’aan kusoo laabtaan Miiska wadahadalka.

Shirka ayaa laguwadaa inuu dib u furmo Beri oo Axada laakiin Warar Dublamaasiyadeed oo ay helayaan Howlwadeenada Puntlandi.com Maamulka Farmaajo waxay wali ku adkeysanayaan in Shirkii uu burburay, Beesha Caalamkana waxay usoo jeediyeen iney faraha kala baxaan Arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid CabdullashivDeni ayaa hada wada Dadaal si Shirku usii socdo, isagoocwadatashiyo la samaynaya Beesha Caalamka.

Puntlandi.com Muqdisho

<