Faahfiihin— Shirkii Afisyooni miyuu Fashilmay mise waa la fashiliyay

Shirkii uga socdey Madaxda Soomaalida Xayndaabka Afisyooni wuxuu kusoo dhamaadey jawi Dad badan ay filayeen, iyadoo Villa Soomaaliya, Puntland iyo Jubbaland ay siyaabo kala duwan uga hadleen qaabkii maanta uu kusoo dhamaadey kulanku.

Villa Soomaaliya waxay sheegeen in Shirku Fashilmay halka Puntland iyo Jubbaland ay eedeyn dusha kuga tuureen Madaxweyne Farmaajo ayna sheegeen inuusan fashil jirin balse ay Dowlada Federaalka walhtigeedu dhamaadey ay sidaas doonaysay Ayaan ka dhuunteen Shirkii oo loo fadhiyo.

Sidee lagu kala tagay

Shirku jawi wanaagsan ayuu ku bilowdey, aad ayay Masuuliyiintu ugu qanacsanayeen maanta qaabka uu kulanku ku socdey, Qodobo badan ayaa miiska lasoo saaray si looga doodo Ajandaha Shirweynaha loo balan sanyahay, Qodobada waxaa kamid ahaa

  • Amaanka Doorashada Cida gacanta ku haynaysa
  • In Xubno matalaya Musharixiinta iyo Beesha Caalamka ay Ka qaybgalayaan Furitaanka iyo soo xirida Shirweynaha
  • Arinta Gobolka Gedo
  • Gudiga Doorashada heer Federaal
  • Awooda Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Hay’adaha Dowliga ah inta aan Doorashadu bilaaban

Qodobadaas waa laga wada dooday badankooda, Laakiin Arimaha Gobolka Gedo Madaxweyne Farmaajo aad ayuu uga carooday in lagusoo daro Ajandaha, wuxuu kaloo Madaxweyne Farmaajo ka biya diiday Amaanka Doorashada iyo Awooda Madaxweynaha, ma jirin go’aan rasmi ah oo laga gaaray Qodobadaas laakiin dulmar iyo hadal isweydaarsi ayaa dhacay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo jeediyey in saacad nasniinsha ah lagalo kadibna saacad kadib la isu soo laabto.
Kolkii nasashada la aadey ayaa Madaxweyne Farmaajo uu ka baxay Afisyooni waxaana laga war helay inuu aadey dhankaas iyo Villa Soomaaliya, waxaa xigay Shirkii jaraa’id er uu qabtay Wasiirka Warfaafinta Federaalka Cusmaan Dube.

Waxaa iyana Durba ka baxay Afisyooni Madaxweynayaasha Hirshabele iyo Galmudug, Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaa kadib kusoo haray Hoolkii Shirku ka socdey, Markay xaaladu Meeshay marayso arkeen ayay iyana kala tageen Afisyooni.

Muxuu ahaa Shirka Jaraa’id ee Wasiirku qabtay

Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federaalka Cusmaan Abuukar Dube ayaa shir jaraa’id ku sheegay in Shirkii Burburay, Hadalka Wasiirka kasoo yeeray wuxuu abuuray shaki weyn, Waxaana lagu tilmaamay Qorshe horay u diyaarsanaa,

Puntland iyo Jubbaland waxay ku baraarugeen in Madaxweyne Farmaajo intii uu Shirka fadhiyey uu waday madadaalo , oo hadalka Wasiir Dube iyo baxsashadii Madaxweynuhu uu ka baxsadey Shirka ay ahaayeen Qorshe horay looga shaqeeyey,

Puntland iyo Jubbaland

Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa ku baryay waa cusub waxayna ogaadeen in Madaxweyne Farmaajo uu kaartataan mar hore soo degsadey,

Wasiiro ka tirsan Jubbaland iyo Puntland ayaa durba shir jaraa’id qabtay waxayna sheegeen in Shirku uusan burburin balse ay Villa Soomaaliya sidaas qorsheeyeen, iyagoo sheegey in Madaxdu ay nasasho kukala maqnaayeen, Laguna balansanaa in dib la isugusoo laabto. waxay kaloo eedeeyeen Wasiirka Warfaafinta hadalka ka soo yeeray oo ay ku tilmaameen Been aan Raad lahayn.

Gunaanad

Madaxweynayaasha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waxay hada shirar khadka teleefoonka ah kula jiraan Musharixiinta iyo Beesha Caalamka, wixii kasoo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Muqdisho

<