Shirkii Madaxda Dalka oo markale natiijo la’aan ku soo dhamaadey.

Shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Kuwa Dowlada Federaalka uga socdey Afisyooni ayaa soo dhamaadey maanta iyadoon wax natiijo lasheego aan lagasrin, waxaana mar kale la balamay in la isusoo laabto beri oo Isniin ah.

Qodobada Muhiimka ahaa ee Heshiiskii 17 Sebtembar ayaa qaarkood muran ka taagannyahay, Madaxweyne Farmasjo ayaa diidan in Qodobada qaar laga dhigo Ajandaha Shirweynaha.

Waxaa maanta laga wada hadlay in Ajandaha lagusoo daro Xubno matalaya Soomaaliland iyo Mucaaradka si loo buuxiyo Awoodqaybsiga, Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Galmudug ayaa Arinkaas hor istaagay.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu diiday inuu saxiixo waraaqda Awoodooda hoos u dhigaysa maadaama uu musharax yahay taasna wuu diidan yahay,

Waxaa hada labalan sanyahay beri oo isniin ah, Waxayna u muuqataa in lagulala tagayo natiijo la’aan hadii kulanku kusii socdo qaabkii shalay iyo Masnta.

Puntlandi.com

<