Itoobiya oo sheegtay in Ciidamadii Eritrea ay bilaabeen dib u gurasho

Ciidamada Itoobiya waxay soo galeen Gudaha Itoobiya dhamaadkii sanadkii tagay si ay u caawiyaan Ciidamada Itoobiya Duulaankii lagu qaadey Tigreyga.

Beesha Caalamka ayaa Maamulada Labadaan Dal ku eedeeyey iney Xasuuq ka geysteen Gobolka Tigreyga tasoo keentay in Eritrea Cadaadis lagusasro iney Ciidamadeeda kasaarto Gudaha Itoobiya, si baaritaan loogu sameeyo Xasuuqa la sheegey inuu dhacay.

Hadaba Dowlada Itoobiya ayaa maanta shaacisay in Ciidamada Eritrea ay bilaabeen iney ku laabtaan Xeryohoodii, waxaana maanta Xuduuda labada Dal lagu arkayay Ciidan kolonyo kolonyo u socda oo ka talaabaya u Xuduuda.

Puntlandi.com

<