Al-shabaab oo Calankooda ka taagay Degmada Afdheegle

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa xoog ku qabsadey Degmada Awdheegle oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, kalama wareegay Ciidamadii Dowlada ee halkaas ku sugnaa.

Sida ay Dadka Deegaanku xaqiijiyeen Al-shabaab waxay saakana la wareegeen dhowr goobood oo Gobolkaan ka tirsan,

Qabashada Awdheegle ayaa timid kadib markii ay Dowladu Muqdisho usoo qaadey qaar kamid ah Ciidamadii Gobolka kundignaa, Dhacabka Deegaanka ayaa Saxaafada u xaqiijiyay inay Maalmonka hor arkayeen Ciidamo ka guurayabdeegaanka laakiin ma ay oga Meeshay Ciidamaas aadeen.

Saaka waabarigii ayaa Dagaal Yarey dhexmaray Ciidamada Dowlada iyo Maleeshiyada Al-shabaab , waxaana Dagaalkaas looga awood roonaadey Ciidamadii Dowlada.

Puntlandi.com Muqdisho

<