Puntland oo sheegtay in kadib Dadaalkii Beesha Caalamka lawada aqbalay in la kulmo Sabtida

Sida ay Puntlandi.com ay xogta ku hayaan, Dowlada Puntland waxay qirtay in kulanka Sabtida ay isugu imaanayaan Madaxda Soomaaliya uu ka dhashay Dadaal ay sameeyeen Beesha Caalamku kadib markii ay Puntland quus ka muujisay Dadaaladii socdey.

Madaxweynaha Xilkiisu dhamaaday Maxamed. Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xalay dhankiisa sheegtay inuu isagu shir isuguyeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada, Laakiin Dowlada Puntland waxay tiri ‘ Shirka qaban qaabadiisa waxaa iska leh Beesha Caalamka iyagaana mid mid u casumay kasoo qaybgalayaasha.

Siyaasiyiin Doomaaliyeed oo aad ugu xeeldheer Siyaasada Madaxweyne Farmaajo waxay sheegeen in Walinuudan Madaxweyne Farmaajo uusan diyaar u ahayn In Doorashada Heshiis laga gaaro.

Kulanka Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa wuxuu dhacayaa Sabtida, wuxuuna ka dhacayaa Teendhada Xalane, Amaanka Shirka iyo Maamulidiisa waxaa gacanta ku haya Beesha Caalamka.

Puntlandi.com Muqdisho

<