Villa Soomaaliya oo Wariyayaal Reer Puntland ah u furtay Koontooyin Baraha Bulshada

Sida ay ogaadeen Howlwadeenada Puntlandi.com Xukuumada Federaalka Soomaaliya waxay Kharashaad ku bixinayaan Ugu yaraan 7 Wariye oo Reer Puntland ah kuwasoo loo furay Facebook iyo YouTube Laguna Mushaar siinayo.

Wariyayaashaan oo ku sugan Muqdisho iyo Turkiga ayaa qayb ka noqonaysa Dhalinyaro Soomaaliyeed oo horay uga howlgali jiray Baraha Bulshada kuwasoo badanaa baahiya Borobogaandada iyo Fake-News- ka,

Mid ka mida Wariyayaasha oo lalasoo Xiriiray Puntlandi.com wuxuu noo xaqiijiyay in Dhalinyarada la howlgaliyay ay qaarkood durba howl galeen, waxaana loo xilsaaray oo qura inay wax ka qoraan Puntland o, isla markaasna ay warar dacaayada ah ay ka sameeyaan Siyaasiyiinta Muqdisho.

Koontooyinka loo furay Dhalinyarada ayaa ku howlgalaya “Magacyo Puntland oo erayo ama Magac lagu daray “. Qaarna waxay wataan Magacyada iyaga shaqsiyan loo yaqaan, Qaar waxay ku howlgalaya koontooyinkoodii ay dhaqsoyanka u lahaayeen.

Dadka noocaan ah waxaa la faray inay ku tartamaan si ay u mutaystaan Abaal marin lacageed Buunbuuninta wararka ku lidka ah Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, ayna kusoo hurgufaan Baraha Bulshada Fake News si Dadka loogu mashquuliyo.

Waxaa hubaal ah in qaarkood badan aad dhowaan ku arki doontaan Baraha bulshada ama horay aad iga aragtern iyagoo wata Puntland *******.com ama Facebook-ga Puntland****

Amaba Magacyada Wariyayaal aad maqli jirteen oo magacooda lagu howlgaliyay,

Puntlandi.com Garowe

<