Ingiriiska oo Galaha Amaanka deg deg Isugu yeeray si looga arinsado Xaalada Soomaaliya

Kulan aan kamid ahayn kulamada jadwalaysan ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay isugu yimaadeen kadib Markii Dowlada Ingiriisku walaac Xoogan ka muujisay wadada ay Soomaaliya ku socoto.

Ismarin waana Siyaasadeed ee Dalka ka jira wuxuu u muuqdaa mid natiijadiisu ay khatar u muuqato. Hadii taas dhacdana bilyaniskii Doolar ee Saaxiibada Soomaaliya ay galiyeen Soomaaliya waxay noqonaysaa Khasaare, Sitaas looga hortago waa in wada saxda ah ay qaadaan Siyaasiyiinta Soomaalida, Sidaas ayaa lagu yiri kulanka Golaha Amaanku ka yeesheen Xaalada Soomaaliya.

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo ka dayriyay Xaalada Soomaaliya wuxuu Golaha Amaanka u sheegay in Soomaaliya u baahan tahay xiligaan foojignaan dheeraada.

Ingiriiska oo soo jeediyay qabsoomida kulankaan ayaa wuxuu kamid yahay Wadamada ku maalgaliyay Soomaaliya Kharash aad u badan si Dalku u noqdo Amaan.

Kulankaan wuxuu kusoo aadayaa Xili ay Xukuumada Soomaaliya ee Wakhtigeedu dhamaadey ay ku guul daraysatay in Dalka ay Doorasho ka dhacdo iyo Waliba xili ay Puntland iyo Jubbaland ay Xukuumada ku eedeeyeen inay hagardaaminayso Kulamada Socda ee Arimaha Doorashada.

Puntlandi.com Muqdisho

<