Breaking News— Ciidamada Amisom oo banaanka u jafay dhamaan Xildhibaanadii, lana wareegay Hoolkii Baarlamaanka

Kadib markii uu Buuq xoogan ka dhashay Kulankii saaka oo arbaca ah lagu balansanaa , ayna Xildhibaanada Qaar Gudaha u galeen Baarlamaanka halka qaar kale loo diiday ayaa waxaa dhacay Arin aad ceeb uga ah Soomaaliya.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa laga hor istaagay Inay galaan Baarlamaanka halka tiro muxaafid ah ay hoosta kasoo xigteen Hoolkii lagu balansanaa. Waxaa intaas dheeraa Ciidamo ka badan Xildhibaanada oo Gudaha iyo Banaanka dhooban.

Arinku markuu halkaas marayo ayaa waxaa halmar yimid Kolonyo Ciidamo Amisom ah kuwasoo kasoo jagay Xildhibaanadii Gudaha ku jiray oo Gudoomiye Mursal ka mid yahay, Ciidamada Amisom waxay kaloo Amar ku bixiyeen in Xildhibaanadu ay isaga Ragaan goobta, Sidaasna Amisom ayaa kula wareegtay Xaruntii Baarlamaanka.

Ceebta ugu weyn Marka laga soo tago Xildhibaanada labada dhinac ah, Ciidamada Amisom waxay Amar kusiiyeen Gudoomiye Mursal inuu kabaxo Baarlamaanka Amar iyo Dhariud la’aan.

Xildhibaanada Mucaaradku aad ayay usoo dhaweeyeen Ciidamada Amisom ee la wareegay Baarlamaanka.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Breaking News Center Garowe

<