Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo shir u socdo maanta

Maanta oo isniin ah 29 Maarso waxaa shir uga socdaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Madaxweynayaasha Shanta Maamul Goboleed iyo Masuuliyiin ka socda Beesha Caalamka oo uu hor lacago James Swan, Ergayga Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa loogawada xaajoonayaa sidii ay Dalka Doorasho uga dhici lahayd iyo Xaaladaha soo kordhey ee Dalku ku sugan yahay.

Maalmahaan waxaa Hawada yaacayay warar sheegaya in Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Xilkiisu dhamaadey Maxamed Mursal iyo Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay u ololaynayaan Mudo kororsi inay sameeyaan.

Kulanka Beesha Caalamka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa muujinaya in Xaalada Siyaasadeed ee Dalka ay isbadashay maalmihii u dambeeyay.

Puntlandi.com Muqdisho

<