Ma ogtahay in Alla ha u naxariistee Wariye Cali Ahmed Cabdi in Gaalkacyo lagu dilay Bishii Maarso,2012, 9 Sano ka hor

Illaahay janadii haka waraabiyee Cali Ahmed Cabdi oo kamid ahaa Wariyayaasha Radio Gaalkacyo iyo Puntlandi.com waxaa habaynkii 5 Maarso 2012 Lagu dilay Magaalada Gaalkacyo Makhrib iyo Cishe dhexdiis.

Asxaabtiisa oo uu la shaahaynayay ayuu ka soo tagay Isagoo kaligiis ah, Nasiib daro koox dhiigyacab ah oo ka tirsan Argagixisada Al-shabaab ayaa dhexda u galay, iyagoo subixii dambe sheegtay Dilkiisa, Al- shabaab waxay yiraahdeen Waxaan dilay Askari ka tirsan Ciidamada Puntland, Cali Askari ma ahayn ee wuxuu ahaa wiil Dhalinyaro ah oo u shaqeeya Saxaafa Puntland, Gaar ahaan Radio Gaalkacyo oo uu kamid ahaa dhalinyaradii dib u kicisay Idaacada, wuxuu kaloo ka mid ahaa wariyayasha ugu firfircoon Puntlandi.com.

Habeynkaas dilkiisa waxaa waxka qoray Idaacadaha Aduunka,

Ilaahay naxariistii Jano haka waraabiyo Cali Axmed Cabdi, Anigu Shaqsiyan wali waan xasuustaa Cali, Saacad ka hor Ayaan teleefoon kula hadlay intuusan geeriyoon, Saacadii la iisoo sheegay Geeridiida wali waan xasuustaa oo maskaxdayda kama bixin.

Fadlan usoo duceeya in Illaahay ka waraabiyo Janatul Fardowsa iyo inuun illaahay ciqaabo Kuwii dilay iyo Kuwii soo Abaabulayba. aaamiin aaaaammiiiin.

Sawirkaan hoose waa Cali 2012

Axmed Yare Puntlandi.com

<