Covid19 soo ritay Dad Rayid ah oo Hawo la’aan ugu geeriyooday Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud

Kudhowaad Toban Qof ayaa ku geeriyoodey Magaalada Xeraale ee Gobolka Galgaduud kadib markii uu soo ritay Cudurka Corona Virus isla markaasna ay qaadan waayeen Hawada lana waayay mashiinada ka caawiya Dadka Xanuunkaan soo riyo inay helaan Hawo ku filan jirkooda.

Xanuunka Covid19 ayaa aad u dhex galay Buldhada deegaankaas inta ilaa hada la xaqiijiyay inay qabaan ayaa lagu dheegay ku dhowaad 100 Qof.

Isbitaalka Degmada oo Hay’ado Caalami ah ay gacanta ku hayn jireen mudo sanado laga joogo Ayaan hada haysan Qalab iyo Dhakhaatiir Fiican, Mashiinada Hawada Dadka siiyaan haba yaraatee ma yaalaan.

Xildhibaanada lagasoo doortay degmadaan oo badankoodu la xulufo ah Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaadey Ayaan wax wara ka hayn Deegaanada laga soo doortay dhibka ka jira, xili Talaal iyo Qalab Caafimaad ay buux fhaafsheen Villa Soomaaliya.

“ Degmada Xeraale oo awal la daalaa dhacaysay kasoo kabashada Dagaalo Sokeeye oo kusoo laablaabtay Magaalada ayaa hada la daalaa dhacaysa Xaalad Caafimaad xumo tii igu xumayd, waxayna u baahan tahay Gargaar degdeg ah” waxaa isdaas yiri Odey Xasan Cali oo ka mida Odoyaasha Magaalada lana hadlay Puntlandi.com.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<