Wararkii ugu dambeeyay : Xildhibaanada oo wali dhex fadhiya Hoolka Baarlamaanka

Kadib markii uu Buuq kusoo looga kala kacay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay wali Xildhibaanadu dhexfadhiyaan Gudaha Hoolka Baarlamaanka, waxaa goobta ka maqan Gudoomiyaha Baarlamaanka oo saacad ka hor ka baxay Hoolka kadib markii ay Qaylo iyo Sawaxan awgeed uu la hadli waayay Gudoomiye Mursal.

Xildhibaanada badan koodu waxayna diidan yihiin in kulanku furmo waxayna ku andacoonayaan in Kalfadhiga Ajandihiisa aan loo soo marin wadadii saxda ahayd, waxay kaloo Xildhibaanadu ka shaki qabaan in Gudoomiyuhu uu Qorshe kale wato, Mudo kordhinta waa laga dhawaajiyey.

Hada Hoolka ayay Xildhibaanadu fadhiyaan kulanka oo hakad galayna inuu dib i furmo ayaa Macquul ah.

Xildhibaan Mahad Salaad oo Saxaafada la hadlay wuxuu sheegey in Ciidamo gaara oo Madaxtooyada ka socda ay ku gadaamay yihiin Baarlamaanka.

wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

<