Shirkii Madaxweynayasaha oo aakhirkii caawa furmay, Maxaa isbadalay

Inkastoo Shirku baaqdey markii hor kadib markii Madaxweyne Farmaajo is hortaagay Madaxweynayaasha Sadexda ah ee garabkiisa ah.

Warar rasmi ah oo Puntlandi.com ah ka heleen ilo Dublamaasiyadeed Beesha Caalamka ayaa aad uga carootay in Madaxweyne Farmaajo uu is hortaago Madaxweynayaasha Hirshabele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo Beesha Caalamka ah si toosa ugu casuntay Shirkaan, iyagoo shalay aqbalay Sadexdaan Madaxweyne.

Ergayga Gaarka ah oo ku hadlayay Magaca Beesha Caalamka ayaa Sadexdaan Madaxweyne hoosta uga xariiqay in ka Maqnaanshohoodu Shirkaan uu yahay mid aan la aqbali karin.

Dhinaca kalena Madaxweyne Deni ayaa qayb weyn ka qaatay in Sadexdaan Madaxweyne ay yimaadaan Hotelka Shirku ka dhacayo,

Sida ay ilo Dublamaasiyadeed ay sheegayaan Shanta Hogaamiye Dowlad Goboleed waxay hada ku sugan yihiin Xalane, Ma cada in Shirku u bilowdey Laakiin Shantaan hada Xalane ayay ku sugan yihiin, Wararkii hore ee aan haynay waxay sheegayeen in Shirku beri u dhacay,

Wixii kasoo baxa halkaan kala soco

Puntlandi.com

<