Madaxda Maamul Goboleedyada oo beri oo Jamce ah is horfariisanaya

Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.com helayaan waxaa beri oo Jamce ah kulmi doona Madaxda Maamul Goboleedyada, Kulankasoo ka dhicindoona Xalane.

Kulanka waxaa soo qaban qaabilay Beesha Caalamka, ilaa hadana lama oga waxa Gaarka ah ee la isugu keenayo Madaxweynayaasha Deni, Axmed Madoobe, Laftagareen, Cali Guudlaawe iyo Qoorqoor, waxaase la xaqiijiyay in Beesha Caalamka ay miis isugu keenayso Madaxdaan si ay uga wada hadlaan Doorashada.

Kulanka wali si rasmi ah loomashaacin, Laakiin Sida Puntlandi.com xogta ku hayo wuxuu dhacayaa Jamcada 26 Maarso.

Puntlandi.com Muqdisho

<