Sawiro Imaatinka Wasiirka Gaashaandhiga Talyaaniga “Talyaaniga oo ku hanjabay inay hakad galinayaan Mushaarka Ciidamada DF “

Imaatinka Wasiirka Gaashaandhiga Talyaanigu Guerrini Lorenzo wuxuu xambaarsanaa dhambaal hanjabaad ah oo la xiriira Mushaarka ay siiyaan Ciidamada Dowlada Federaalka.

Talyaaniga waxaa gaaray eedeyno ah in Ciidamada Soomaaliya aysan wax Dagaal ah la galin Al-shabaab taas badalkeedana Ciidamada loo adeegsadey Dani Siyaasadeed oo gaaray in looga cabsi qabo inay soo weerarkaan Xayndaabka ay Deganyihiin Beesha Caalamka, waana sababta uu Wasiirku u yimid Muqdisho.

Wuxuu kulan la qaatay Taliyayaasha Ciidanka isagoo si cad ugu gudbiyey fariinta Talyaaniga iyo waliba Saaxiibada kale ee Midowga Yurub.

Warar Dublamaasiyadeed oo Warbaahinta Puntlandi.com ay helayaan ayaa xaqiijinaya in Saraakiisha Ciidamada lagu wargaliyey in Aysan Deeq bixiyaashu ku faraxsanayn wararka lagasoo sheegayo Ciidamada Soomaaliya.

Hoos ka daawo Sawirada

Puntlandi.com

<