Daawo Sawiro Shirka Badbaado Qaran oo Muqdisho ka furmay, Gudoomiyaha oo ka hadlay

Gudoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi oo shir jaraa’id Ku qabtay Xayndaabka Xalane ayaa ku celceliyey in Madashu ay Dalka ka badbaadinayso in uu wado qaldan Dalku qaado.

Gudoomiha ayaa sheegay in Shirkaan oo ah kii kowaad oo ay Yeeshaan looga hadli doono Danaha Dalka, waxaa hadalkiisii kamid ahaa…

  • Sidaas la socotaan Madaxda Dalku ma tagi karaan Balcad, AmaankiinDalka Faraha ayuu ka baxay, Waxaan u taaganahay in Dalka ay ka dhacdo Doorasho loo siman yahay oo Dadka iyo Dalka lagu badbaadiyo”

Shirkaan ayaa furmay Xili Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey uu isna shalay furay Shir looga hadlayo Doorashada oo ka dhacay Afisyooni, waxaana muuqata in labadaan shir ee is feer socdaa Socdaa ay nuujinayaan in aad loo kala fogaadey.

waxaa Shirka ka qayb galay, Madaxweynayaashii hore Xasan Sheik, Shariif Shiikh Ahmed, Gudoomiyaha Aqalka Sare oo isla markaasna ah Gudoomiyaha Madasha Cabdi Xaashi, Raysal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynayaasha Saciid Cabdulaahi Deni, Axmed Madoobe, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Maduuliyiin kale.

Hoos ka daawo Shirka Madasha Badbaado Qaran

<