Faahfaahin tii u dambeysay QM iyo US oo wada dadaalo gabagabo ku dhow oo la iskusoo hor fariisinayo Deni, Farmaajo iyo Axmed Madoobe

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay wuxuu maanta oo isniin ah bilaabay Dadaal dheeraada oo lagu badbaadinayo Shirkii uu isagu hormuudka ka ahaa ee uu gogoshiisa dhigay Teendhada Afisyooni.

Inkastoo Madaxweyne Farmaajo uu saaka Teendhada ku qabtay shir aan loo dhamayn oo aan qayb ka ahayn Dadaaladii socdey hadana Beesha Caalamku waxay ku adkeysanayaan in La qabto wax loo dhan yahay oo aysan marnaba aqbalayn Shir koox kaliya ay wataan.

Ergeyga Gaarka ah iyo Safaarada Maraykanku waxay maanta duhurkii yeesheen kulan ay uga arinsanayaan Xaalada Dalka waxayna isla meel dhigeen in Sigaara loo casumo Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni, Madaxweyne Axmed Madoobe isla markaasna la la tashado Midowga Mudharixiinta.

Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe waxaa lala kulmay isla maanta Wayna soo dhaweeyeen Dadaalka ay wadaan Maraykanka iyo Beesha Caalamka, iyagoo intaas ku daray in ay lagama maarmaan tahay in Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday uu u dhaga nuglaado uuna aqbalo in Dalka Doorasho ka dhacayso uuna kamid yahay Musharixiinta sidaas awgeed waa inuu Qoraal ahaan ku cadeeyay inuusan ahayn Taliyaha Ciidamada uuna joojiyo isticmaalka uu sida Gaarka ah u isticmaalayo Hay’adaha Dowliga ah,

Caawa waxaa la filayaa in Ergayga Gaarka ah James Swan iyo Safiirka Maraykanku ay xiriiro la sameeyaan Villa Soomaaliya, waxayna doonayaan in ka hor Shirka meel la isla dhigo Qodobada ay isku diidan yihiin Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, Qodobada lan sla meel dhigayo waa inay ahaadaan oo qura kuwa hortaagan in Shirka loo dhan yahay uu furmo, Qodobada hortaagan doorashadana looga wadahadlo shirka, sida Arimaha Gobolka Gedo iyo Gudiga Doorashada,taasna Way aqbaleen Deni iyo Axmed Madoobe.

Wararka hoose oo Puntlandi.com ay helayaan waxay sheegayaan in Maraykanku uu aad uga xumaadey qaabka ay Villa Soomaaliya u isticmaalaan Ciidamada, sidaas awgeed Walaaca Maraykanku wuxuu xoojinayaa soo jeedintii Madaxweyne Deni uu soo jeediyay in Madaxweyne Farmaajo uu saxiixi waraaqda uu ku wareejinayo Awooda Dalka( Hay’adaha Dowliga ah iyo Ciidamada).

Hadii ay dhacdo in isfahan la dhex dhigo Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe Shirku wuu bilaabanayaa,

Waxaa iyana maalmahaan soo kordhay Madasha Badbaado Qaran, oo ay Xubno ka yihiin Deni, Axmed Madoobe iyo Musharixiintu, waxayna culays Siyaasadeed ku noqonaysaa Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe waxay jeebka ku wataan Ajandayaal dheeraada oo Musharixiintu usoo dhiibeen tasoo ka dhignaanaysa in Musharixiintu ay saameyn ku yeelanayaan Shirka iyagoo banaanka ka fadhiya.

Madaxweynayaasha Hirshabele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxay Beesha Caalamku u arkaan inay ku qanacsan yihiin oo qura in Farmaajo la qanciyo waana tan keentay in aysan qayb ka ahayn Dadaalada maanta iyo caawa ay wadaan Beesha Caalamku,

Igu dambeyn waxaa aad loo rajaynayaa in beri ay kulmindoonaan Madaxweyna Wakhtigiisu dhamaadey Maxamed Cabdulaahi iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Puntlandi.com Muqdisho

<