Qoorqoor iyo Laftagareen oo loo diidey inay Muqdisho ka baxaan xili ay kusii jeedeen Deegaanadooda

Warar aan helayno ayaa sheegaya in Safiirka Maraykanka iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay dhalay hor istaageen Madaxweynaha Galmudug oo U safri lahaa Dhuusamareeb, Waxaa Masuulkaan cadaadis lagu saaray inuu joogo Muqdisho ilaa Shirka Wadatashiga laga gun gaarayo.

Maantana Laftagareen oo kasoo laabtay Turkiga ayaa qorshihiisu ahaa inuu Baydhabo u gudbo balse Isagana waxaa lagu khasbay inuu Muqdisho joogo si uu iga qayb gali Shirka Wadatashiga.

Lama oga sababta keentay in labadaan Masuul ay ka baxaan Muqdisho iyagoo ogsoon inay Muqdisho ka socdaan Dadaalo lagu badbaadinayo Doorashada.

Puntlandi.com Muqdisho

<