Beesha Caalamka oo ku baaqdey in Shirka beri furmaya uu miro dhal noqdo iyo Maraykanka oo isna…

Qoraal ay Wadajir usoo saareen Saaxibada daneeya Arimaha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey Imaatinka wafuudu lagu casumay Shirka Beri ka furmaya Xayndaabka Haroonka Foyaatadaha Muqdisho.

Beesha Caalamkunwaxay kasoo qaybgalayaasha Shirka ugu baaqeen in la dhamaystiro Heshiiskii 17 Sebtembar iyo kii 16 Febaraayo ee Baydhabo.

Qoraalka Beesha Caalamka ayaa ku bilaabanayaa sidaan .

  • Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay soo dhaweynayaan imaatinka kaqeybgalayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, kaasoo lagu qaban doono aaga la ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana kasoo bilaaban doono 22 Marso 2021. Waxaan ku boorineynaa inay shirkaan muujiyaan hogaamin iyagoo cuskanaya soo jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo ee 16 Febraayo 2021 si loo hirgaliyo Heshiiskii qaab Doorasheedka ee 17ka Sebtember 2020 si looga gudbo in doorashooyinka ay dib u dhacaan.

Qoraalka Beesha Caalamka waxaa lagu muujiyay oo hoosta looga xariiqay inaan la aqbalayn Gooni isu taagnimo iyo isbarbaryaac Soyaasadeed iyo Qorshe hal Qof wato.

Dhirkaan waxaa laba todobaad ka hor iclaamiyay Beesha Caalamka kuwasoo isu keenay Masuuliyiintii kasoo qaybgali lahayd.

Dhinaca kalena Dowlada Maraykanka ayaa Maamul Goboleedyada ugu baaqdey inaysan Muqdisho ka tagin iyadoon go’aan lawada gaarin, waakan Qoraalkii Safiirka Maraykanka

  • Dadka Soomaaliya waxay hada rabaan doorasho, Said Abdullaahi Deni, Madaxweyne Axmed Madobe, Madaxweyne Qoorqoor, Madaxweyne Ali Guudlaawe iyo Madaxweyne Laftagareen waa inay joogaa Muqdisho ilaa heshiis doorasho laga gaaro. Guul darradana lama aqbalayo.

Shirka Madaxda Soomaaliya uga furmaya beri oo isniin ah uga furmaya Afisyooni ayaa ah mid ka duwan Kuwii hore, Shirkaan wuxuu uga duwan yahay Kuwii hore, Waxaa soo qabqaabiyay oo Casumaada bixiyay Beesha Caalamka, iyagaa ilaalinaya, iyagaa Kharashka bixiyay iyagaa damaana qaaday fulinta waxyaabaha kasoo baxa oo lagu heshiiyo, mana aqbalayaan in intii lawada hadlo hadana laka dareero sidii Shirarkii Fashilmay ee Dhuusamareeb.

Puntlandi.com Muqdisho

<