Isbahaysiga Cusub ee Lagu aasaasay Muqdisho Muxuu yahay ujeedkiisu

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi , Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Musharixiinta Madaxweynaha waxay Maanta ku dhawaaqeen Isbahaysi Siyaasadeed oo ay sheegeen in Dalka lagu badbaadinayo.

Isbahaysigaab Cusub ayaa muujinaya in ay ay soo kordhin caqabado hor leh oo hor taagan Doorashada, Dadka ku xeeldheer Siyaasada Soomaaliya Khaasatan Xiliga kala guurka, Waxay ku macneeyeen in xiligaan lagu dhawaaqo Isbahaysigaan Cusub Dhowr Arimood in ay sababab u yihiin oo kala ah .

  • In ay luntay Rajada laga qabo in Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi inuu Dalka ka qabto uu Doorasho loo dhan yahay
  • In Dalku uu ku socdo wado Qaldan oo horseedi karta Qalalaaso Siyaasadeed iyo mid Amni
  • Beesha Caalamka oo la dareemay iney ka quusteen Madaxweyne Farmaajo sidaas awgeed loo aasaasay Isbahaysigaan si loo helo Awood kale oo ka Taliska aayaha Dalka, Awoodana iney Doorasho Dalka gaarsiiyaan.

Sida muuqata Isbahaysigaan Cusub ma yimaadeen hadii rajo laga qabo Shirka loo balan San yahay, Waxaa halkaas ka cad in aad loo kala fogaadey, Khaasatan Kulamadii ugu Dambeeyay ee dhex maray Madaxweynaha Galmudug iyo Midowga Musharixiint ayaa laguu soo waramayaa in rajo xumo weyn lagala kulmay.

Macada Talaabada ugu horaysa ee uu qaadayo Isbahaysigaan , iyo qaabka ay u wajahayaan Shirka lagu balan sanyahay ee Afisyooni.

Sawiro hoos ka daawo

Puntlandi.com Muqdisho

<