Muxuu salka ku hayaa Ka Maqnaanshaha ay Kenya ka maqnaayeen maanta Maxkamada Aduunka, Muxuuse yahay ujeedku ay Dacwada ugu gudbiyeen Golaha Amaanka QM

Somalia flag with Kenya flag, 3D rendering

Dhagaysiga Kiiska Muranka Bada ee ka dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa maanta oo isniin ah furmay iyadoo Kenya ka maqantahay.

Kenya horay ayay u sheegeen inaysan imaanaya Dhagaysiga Isniinta( Isniinta maanta ah 15,3,2021), waxayna cududaar ka dhigteen dhowr arimood oo kala ah..

  • In Maxkamada Aduunka ay u janjeerto dhinaca Soomaaliya, oo aybu xaglinayaan Soomaaliya
  • Cudurka Corona Virus oo farakulul ku haya oo u saamixi waayay inay siwanaagsan isugusoo diyaariyaan Kiiska
  • Kenya oo shaqaalaysiisay Koox cusub oo sharciyaaqaano ah( Looyariin) waxayna u baahantahay inay kooxdaan cusub loo sharaxo Kiiska, siduu ku bilowdey ilaa hada meesha uu marayo
  • Kenya waxay Diidan tahay in Garsooraha Soomaaliga ah ee Ka tirsan Maxkamada Aduunka uu meesha joogo(Gudoomiyihii hore ee Maxkamada Aduunka Cabdiqawi) Waxayna Kenya dalbatay inuu Iscasilo

Hadaba Kenya iyadoo soo jeedsatay qodobadaan ayay æ go’aansadeen iney qaadacaan imaanshaha Dhagaysiga Dacwada ee Maanta loo balan sanaa.

Maanta Kenya waxay kaloo sheegeen in Kiiska ay hordhigayaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana xusid mudan in Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay Kenya Xubin ka tahay sanadkaan.

Maxaa Kenya unqarsoon oo ay maanta u maqnaayeen oo u diideen inay yimaadaan Maxkamada

Garyaqaano Soomaaliyeed oo ku xeel dheer Dacwooyinka Heer Caalami oo Puntlandi.com ay waydiiyeen su’aashaan ayaa ayaa Qoraalkaan hoose noogu jawaabay…

  • “Kenya waxay ciyaaraysaa kaar cusub oo ay Dacwada dib ugu dhigayaan maadaama bishii hore laga diiday Codsigoodii ahaa in Kiiska dib loogu dhigo markii Afraad, Waxay kaloo Kenya ay aragtay in mar hore Kiiskaan looga itaal roonaadey oo looga guulaysanayo, waxayna doonayaan iney Maxkamada jahawareeriyaan Si ay wakhti ugu helaan in marakale ay dib ugusoo dhistaan Kiis ka Adag koodii hore iyo koox looyaro ah oo afmishaariin ah. Kenya waxay howlgaliyeen Looyaro Cusub oo qaarkood Yurub aad looga dambeeyo dhanka Sharciga, aadna afmishaariin u ah, waxaana la xaqiiq ah in Looyaradaas ay Kenya kula taliyeen inay Qaadacaan ka qaybgalka Dhagaysiga, Iyagoo markaas Ciyaaraya Kaarto ay hadhow Maxkamada ku qancin karaan in Dhagaysigii ay Kenya ka maqnayd uu sharci daro ahaa in la dhagaysto, Waa Macquul inay haystaan Daliilo qarsoon oo u saamaxaya in iyaga garloosiiyo in Dacwada dib loo dhigo, Daliiladaas waxaa kamid noqon kara inay sheegaan inay hayaan cadeymo ama markhaatiyaal muhiim u ah kiiska, hadii taas dhacdo Maxkamada waxaa khasab ku ah inay ogolaato in Kenya wakhti la siiyo. Mida kale, Kenya waxay ku hanjabtay maanta in Kiiska ay u gudbinayso Golaha Amaanka, taasi oo ay wakhti ku gadaynayso( Doonayso inay Kiiska sii jiijiido si wakhtigii ay rabtay ay halkaas uga hesho)”

Hadaba maanta Kiisku wuxuu kusoo dhamaadey Sidii horay loo asteeyay( Jadwalkii Kiiska), Waxaa Macquul ah in Maxkamadu ay beri ka hadasho Maqnaanshaha Kenya iyo waxa laga yeelayo,

Maanta waxaa soo jeedintii Soomaaliya u hadlay Raysal wasaare Xigeenka Mahad Guuleed, wuxuuna jeediyay khudbad dheer oo ka hadlaysa Lahaanshaha Bada ay Kenya ka laalaado.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Holland

Somalia flag with Kenya flag, 3D rendering
<